Mahadsanid waa eray wanaagsan oo mudan in la adeegsado. Makhaayadaha shaaha ee meesha aan joogo marka wax laga dalbanayo saf ayaa lagalaa markaas ayaa shaah iyo wixii kale eed rabto la dalbadaa. Qofka irridda soo horgalaa qofka ka danbeeya ayuu ka qabtaa,kaa soo isna mahadceliya(thanks).

Laba dhacdo ayaan la kulmay sannadkan mar aan galay makhaayad shaah. Mid maanta ayaan la kulmay,tan kalena sannadkan horraantiisa. Maanta markaan galay makhaayadda si aan saf taagan ugu biiro albaabka ayaan ka qabtay nin iga danbeeyey oo Soomaali ah. Waxaan filayey inuu mahadceliyo,laakiin waxba muu odhan.Taasina way idhibtay.Erayga mahadsanid(thanks)wakhti ma qaato;lacagna ma joogo, ruuxa wanaagga sameeyeyna wuu farxadgeliyaa,wanaagaasi haba yaraadee.
Markaan shaahaygii dalbaday,ayaan ninkii Soomaaliga ahaa oo aktayda taagan si hoose ugu sheegay iney dhaqanka waddankan tahay in laysu mahadceliyo marka albaabka layska qabto. Wuu igu raacay soo jeedintaas. Ninka maanaan is aqoon;waxayna ahayd markii koobaad een kulanno. Nabi Maxamed(SCW) wuxuu yidhi, “Qafkaan dadka u mahadcelin Alle uma mahadceliyo.” Diinteenuna waxay na faraysaa in ruuxa wanaag kuu sameeya aad u mahadceliso oodan iska aamusin.
Dhacdada kale waxaan la kulmay sannadkan horraantiisa. Waxaana kula kulmay isla makhaayaddan. Goor aroor ah ayaan irridda iska qabtay iyadoyd iga horreysay haweeney da’deedu meel dhexaad tahay. Markiiba intay naxday ayey tidhi, “Sorry,kuma arkayn;albaabka kaama qaban.” “Waxba maaha,aniga ayaa iska qabtay ayaan ugu jawaabay.” “Gef ayaan qalbiga ka dareemayaa; waxa keliya een ku fayoobaanayana waa inaan shaahaaga bixiyo,”ayey tidhi. Haweenayda waxaan usheegay inaanan wax xumaata ah uqabin;shaahana anigu iska bixinayo,laakiin way diidday,kadibna waan ka aqbalay.
Arrinta mahadcelin la’aanta ee dadkeenna Soomaalidu waxay isoo xasuusisay macallin Soomaali ah oo 20 sano kahor noo sheekeeyay. Wuxuu yidhi anigoo jaamacad Sacuudiga ka dhiga ayaan Muqdisho usoo raacay Somali-Airlines.
Markaan soo degnay,ayaa qofkasta warqad uu buuxiyo loo dhiibay,laakiin safkii iga horreeyey wax qalin ah ma wadan. “War yaa qalin haya?”ayaa lays weydiiyey. Kadibna,qalinkaygii ayaan ku caawiyey. Qofkii u danbeeyey ayaa yidhi, “War qalinkan yaa lahaa?” “Waa aniga ayaan idhi.” Qofkaas ayaa yidhi war iga hoo qalinkaaga. “Intaan ka qabtay ayaan ku idhi, “Walaal waxaad tidhaah mahadsanid. Qofkii rakaabka ahaa wuxuu ku jawaabay, “Ma qalin yar ayaan kuugu macadceliyaa?”
Mahadsanid waa hadal fiican. Dadkeenuna waxay ka masuugaan erayada mahadsanid iyo iga raalli ahaw, ama iga raalli noqo. Waana erayo fiican oo mudan in la adeegsado.