Haka Tegin Karaamadaada

Ayaamihii Ingiriisku gumeysanayey Hindiya (1858-1947) ayuu sargaal Ingiriis ahi wajiga ka dhirbaaxay nin Hindi ah. Markaasuu Hindigiina feedh dhulka ugu tuuray sargaalkii. Wuxuuna ku noqdey Janankii xukumayey,ugana waramay waxa dhacay.

Symbol of dignity
Symbol of dignity

Wuxuuna ku yidhi, “Taliye, daldal ninka Hindiga ah;wuxuu ku xadgudbey boqorka weyn ciidankiisa.” Laakiin Janankii ayaa ku yidhi sargaalkii, “50,000 ee rubi qaad oo raaligelin u sii Hindiga.” Ninkii Hindiga ahaa wuu aqbaley hadiyadaas;waxay u noqotay hanti uu ku taamayey inuu mar helo si’uu ganacsi uu ku riyoonjiray ugu bilaabo. Kolkay  xoolihiisii kordheen,dhismayaalna dhistay, ayuu Janankii sargaalkii ku yidhi, “Hadda aad gurigiisa oo kuhor dhirbaax shaqaalihiisa iyo kuwa waardiyaha u ah.”

Taladii Jananka ayuu qaatay sargaalkii Ingiriiska ahaa. Wuxuuna aaday gurigii Hindiga;wuxuuna kuhor dhirbaaxay shaqaalihii iyo wardiyayaashii hortooda. Hindigii ayaa iska dhoola cadeeyey,waxbana ma samayn. Sargaalkii ayaa ku noqdey Janankii,wxuuna u sheegay wuxuu kala kulmay Hindigii.

Janankii ayaa markaas sargaalkii ku yidhi, “ Markii hore ninka Hindiga ahi wax kale oon karaamadiisa ahayn ma haysan,wuuna difaacdey. Laakiin markii uu naga iibsadey karaamadiisa,wuxuu yeeshay xoolo iyo masaalix kale oo kaga qaalisan karaamadiisa.”

Haka Tegin Karaamadaada
sheekadani waxay ka timid buugga la yidhaahdo “War Dhaba” ee sawirkiisu hoos ka muuqdo.