Nin la odhanjiray Suhayl Camri iyo xaaskiisii ayaa wada safray. Markay meel marayaan ayey tuugo heshay;waxayna ka qaateen wixii lacag iyo cunto ay haysteen. Tuugtii waxay u fadhiisteen cunida wixii ay qaateen.

Laakiin Suhayl wuxuu arkay in ninka tuugta madaxda u ahi aanu cuntada wax ka cunayn. Wuu weydiiyay: Maxaad ula cuni la’dahay? Tuugii ayaa yidhi, “Waan soomanahay.” Suhayl ayaa yidhi: Ma intaad wax dhacdo ayaad soomaysaa? Horjoogihii tuugta ayaa yidhi, “ Albaab aniga iyo Alle noo dhaxeeya ayaan ka tagayaa;waxaa dhici karta inaan kaa kasoo galo.” Labo sano kadib, Suhayl ayaa Xajka kula kulmay horjoogihii tuugta,isagoo toobad keenay oo wuxuu samayn jiray iska dhaafay.
Tuducda sheekadu maaha in laysku dhexwadi karo tuugnimo iyo soon,laakiin ujeedadu waa inaan khayrka laga wada tegin,iyadoo la quusanayo.
Sheekadani waxay ka timid boogga la yidhaa “War Dhaba”, sawirkiisuna kor ka muuqdo.