Farxaddu miyey iska timaadaa mise waa la raadiyaa si loo helo?

Farxad ruuxba sibay la tahay,iyadoo ku salaysan arigtida qofkaas. Waxaana farxadda lagu qeexaa iney tahay dareen xasilloon oo qofku helo. Alle ayaa kitaabkiisa ku sheegay inuu addoonkiisa markuu doonana ka qosliyo,markuu doonana ka oohiyo. Labada eray,farxad iyo murugo,waxay ku lamaansanyihiin nolosha aadamaha. Dadku mar way farxaan;marna way tiiraanyoodaan.Taasi waa dabeecadda nolosha.

Cilmi baadhis ayaa lagu sameeyey farxadda sida loo helo iyo iney tahay in la raadsho ama iskeed u timaado. Dadkoo idil waxay raadshaan farxad,siiba kuwa ku nool dalalka horumaray. Si ay farxad u helaan,waxay cunaan cuntooyin kale nooc ah; waxay la kulmaan saaxiibo badan; waxay dhageystaan heeso kala duwan. Waxaase dhacda ineyna intaas oo dhan farxad ka helin.

Hadaba,maxaa farxad keena? Dad badani waxay farxadda ku qiimeeyaan horumar ay gaadheen sida aqoon,awood maamul, iyo adduun la helo.Laakiin cilmi baadhista la sameeyey waxay tilmaameysaa ineyna intaasba ku iman farxaddu. Maxaa keena hadaba? Cilmi baadhistu waxay qiraysaa in dadaalka qofku qeyb ka yahay qancinta nafta,laakiin qasab maaha in horumarkiisu farxad keeno.

Sida ay sheegayaan khubarada cilmi baadhistan sameysay,waxaa farxad keena inaan lasyku mashquulin helideeda,oo ruuxu si caadi ah isaga noolaado. Taas macnaheedu maaha inaan la dadaalin oon adduunka wax laga qabsan. Marka uu qofku ku talagalo inuu maalin kasta farxo, welwel iyo murugo ayuu kororsadaa ,farxadduna way ka luntaa. Sidaad ayey sheegeen cilmi baadhayaashu.

Sida ay qoreen,waxaa farxad keena in la sameeyo “meditation” oo macnaheedu yahay in nafta lala kaliyoobo,suaalana la weydiiyo. Arrintaasi waxay keenaysaa iney naftu degenaan iyo nabadgelyo dareento. Waxaa kaloo farxadda keena in la taakuleeyo dad waxar u baahan iyo in loo mahadceliyo dadka adiga waxtar kuu geysta. Waxayna cilmi baadhistu kusoo biyo shubatay xikmadda ka danbaysa salaadaha iyo waxbixinta Islaamku jideeyay. Miyeyna sidaas kula ahayn?