Waxaa la sheegaa in iskuul ku yaallay degmo yar ay gaadhay warqad sheegaysa in kormeer loogu iman doono iskuulka,kaasoo ka imanaya Wasaaradda Waxbarashada dalkaas;nin wax barashada iskuulka baadhayana usoo dirayso.

Kormeerihii waxbarashada iskuulka degmada qiimeynayey ayaa degmada aaday. Markii uu marayo afaafka degmada laga galo ayuu baabuurkii ka xumaaday;wuxuuna kor u qaaday daboolka hore(hood) ee gaadhiga,isagoon garan cilladda meesha ay ka jirto,iskaba daa inuu samayn karee.
Wiil 10 jir ah ayaa soo maray ninkii Mufatashka ahaa oo xaaladaas ku jira. Wuxuuna wiilkii yaraa u bandhigay caawimaad. Laakiin ninkii gaarigu ka jabay ayaa wiilkii yaraa ku yidhi, “Adigu maxaad ka garan baabuur jabay?” “Aaabahay ayaa Mechanic ah; anigaana marmar caawiya,kanna waan samayn karaa.”
Kormeerihii gaadhigiisii jabnaa iyo wiilkii yaraaa ayuu ukala dhexbaxay. Toban daqiiqo oon idlaan ayuu wiilkii 10 jirka ahaa ku yidhi Kormeerihii, “Mudane, furaha ku rog baabuurka.” Ninkii ayaa dawakhay markuu arkay gaadhigii oo shaqeynaya;wuuna u mahadnaqay wiilkii yaraa. Kadib wuxuu waydiiyey,“Maxaadan iskuulka u aadin?” Wiilkiina wuxuu ku jawaabay: “Maanta Kormeeri ayaa iskuulka imanaya.Maamulaha Iskuulkuna wuxuu amray ineyna ardeyda damiiniinta ahi iskuulka iman.”
Haddii wiilka yari ku xumaa waxbaxbarashada iskuulka,wax kale ayuu ku fiicnaa. Taas oo ahayd hagaajinta baabuurta jabta. Ruuxii wax ku xun,wax kale ayuu ku fiicanyahay,oo maskaxda aadamuhu marna xirfad la’aan maaha. Haddii ruux waxbarashada akadeemiga ah hurumar ka samayn waayo,macnaheedu maaha qofkaasi waa damiin, laakiin macnaheedu waa ruuxaas dhinacaas waxbarasho looguma talogelin;dhinacyo kale ayuu ku fiicanyahay.
Albert Einstein oo ahaa saynisyahan caan ah ayaa yidhi: “Ruux kasta cagli ayaa ka buuxa,laakiin dhibku waa inagoo dadka halbeeg qudha ku qiyaasna. Tusaale ahaan, haddeynu kalluun(mallay) ku qiimeyno sida geedaha loo koro (fuulo),iyadoon la fiiriin waxyaabaha kale uu ku fiicanyahay, nolashiisa oo dhan wuxuu malaynayaa kalluunkaasi inuu damiinyahay.
Sheekadani waxay ka timid buug la yidhaa War Dhaba, kaasoo sawirkiisu bilowga sheegakadan ka muuqdo.