Buugga la yidhaahdo “Kiliila wa Dimna” ayaa lagu qoray sheeko ku saabsan Tuke iyo Qooley. Tuke ayaa arkay qooley socanaysa;wuxuuna u bogey socodkeedii.Kolkaas ayuu doonay inuu sideeda oo kale u socdo. Wuxuuna goostay inuu sidaas u socdo. Muddo markuu isku rafaadiyay inuu sideeda oo kale u socdo,ayuu ogaaday inaanu sidaas u socon karin;wuxuuna goostay inuu socodkiisii hore ku noqdo. Laakiin waxaa ka yaabiyey markuu arkay inaanu sidiisii horena usocan karin,waayo wuu illoobay socodkiisii hore. Uma suuro gelin inuu sida qooleyda usocdo;kiisiina waa ka tagay.

Juxa iyo wiilkiisa ayaa maalin safar wada galay si ay magaalo kale uga soo adeegtaan. Juxa wuxuu ahaa nin Carbeed oo hadalada maadda ah caan ku ah. Dameer ay wateen ayay koreen. Markay soo gaadheen daabiyad ka sokeysay magaaladii ay ku socdeen,ayay dadkii goobtaas joogay isu soo baxeen, iyagoo leh. “Odeyga iyo wiilkiisu arxan daranaa.Dameerka ayay iyagoo laba ah dusha ka fuushanyihiin.Naxariis miyayna lahayn?” Kadib,wiilkii ayaa ka degay dameerkii;wuxuuna ku gadhwaday aabihii Juxa. Markay magaalo kale soo mareen,ayay hadana dadkii yidhaahdeen, “Odeygu arxan daranaa;wiilka yar ayaa damiirka wada,isaguna dushuu fuushanyahay.” Kadib,Juxa ayaa dameerkii ka degay;waxaana koray wiilkiisii,isagoo Juxa gadhwado. Hadana waxay soo mareen tuulo kale,taasoo la yaabtay wiilka yar caagnimadiisa,waayo isaga ayaa dusha fuushan aabihiina waa lugaynayaa.
Kadib,Juxa iyo wiilkiisii waxay goosteen ineyna dameerka korin oo labaduba lugeeyaan. Sidaas ayay yeeleen,iyagoo dameerka gadhwada. Markay magaalo kale soo gaadheen,dadkii goobtaas joogay ayaa la yaabay,iyagoo leh: “Maxay yihiin labadan doqon? Way lugaynayaan,iyagoo wata dameer.” Dulucda sheekadu waa ‘Sina uma baxsanaysid ee dantaada ka raac.’
Labadan sheeko waxay ka yimaadeen buugga la yidhaahdo “War Dhaba” ee sawirkiisu kor ka muuqdo.